Mason Moun Iyo Reece James Oo Ka Dhaawacmay Chelsea Ka Hor Kulamada Leeds & Borussia Dortmund Ee Lagu Xidhay Shaqada Graham Potter
Chelsea oo 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada kaliya hal mar guuleysatay ayaa waxay waajihi doontaa kooxda tababare Javi Gracia, ka hor inta aanay Salaasada qaabbilin Borussia Dortmund kulanka go’aaminaya kooxda u gudbaysa wareegga siddeedda Champions League.
Tababare Potter oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay, in Mason Mount uu dhaawacan yahay oo aanu qayb ka noqon doonin kulanka Leeds United, sidoo kalena uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Reece James oo isaguna dhaawac ah.
Mason waxa uu dhibaato ka dareemayaa caloosha iyo lafaha, waxana uu seegi doonaa ciyaarta berri, mana garanayo muddada uu maqnaan doono, laakiin berri waqti hore ayay ku tahay.” Ayuu yidhi Graham Potter oo sii raaciyey: “Reece muruqa ayaa uu xanuun ka dareemayaa, xaaladdiisana waanu qiimayn doonaa laakiin shaki ayaa ku jira inuu ciyaari doono.”
Comments