SPORTS Chelsea Oo U Soo Baxday Wareega 8da Champions League Ka Dib Markii Ka Farxasheen Borussia Dortmund
Chelsea Oo U Soo Baxday Wareega 8da Champions League Ka Dib Markii Ka Farxasheen Borussia
Dortmund  
Chelsea ayaa u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay caawa 2-0 kaga farxalatay Borussia Dortmund taasoo ka dhigan inay wadar ahaan ku soo baxeen natiijo 2-1 ah madaama lugtii hore ay Dortmund 1-0 ku soo badisay.
Goolal ay kala dhaliyeen Raheem Sterling iyo Kai Havertz ayaa Blues ka saaciday guushooda u soo saartay wareega sideed dhamaadka Champions League.Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa kubada heysatay Chelsea kuwaasoo helay 11 darbo, iyadoo Raheem Sterling uu hogaanka u dhiibay daqiiqadii 43aad markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu markii hore si qaldan u darbeeyay.
Kai Havertz ayaa birta garaacat isla qeybtii hore halka Joao Felix fursad dahabi aheyd laga beeniyay, dhanka Dortmund Marco Reus ayaa tijaabiyay goolhaye Kepa, laakiin waxaa lagu kala nastay iyadoo Blues ay 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta.
Labo daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad, Chelsea waxaa loo dhigay rigoore uu muran ku jiray markii darbo uu soo dhigay Chilwell ay gacanta uga dhacday Wolf oo xitaa aan eegeynin kubada, VAR ayay ku qaadatay daqiiqado inay go’aansato haddii ay rigoore tahay
iyadoo garsooraha uu dhacdada ka soo daawaday shaashada, waxaana markii danbe la xukmiyay rigoore.


Comments