Udurka kansarka noocyada Kansarka Lafaha (Bone Cancer), Asbaabaha Keena Iyo Dadka U Nugul Inuu Ku Dhaco

Udurka kansarka noocyada Kansarka Lafaha (Bone Cancer), Asbaabaha Keena Iyo Dadka U Nugul Inuu Ku Dhaco ugadaran

                         

Kansarka lafaha wuxuu yimaada marka buro ama kasoo-bax baaxad leh uu ku sameysmo lafaha. Burada waxey noqon kartaa mid sii faafi karta. Hadii burada ay awood uleedahay iney faafto waxaa loo yaqaanaa kansar. Kansar kasoo bilowda lafaha waa mid aan sidaas usii badneyn.


Noocyada kansarka lafaha

Kansarada lafaha waa kuwa ugu khatarta badan, waxey si toos ah uga soo bilowdaan lafta ama nudaha lafta ku hareereysan sida jiro arrimo badan oo ka qeyb qaata ama kor uqaada fursadaha uu qofku ugu dhici ka sida carjawda.ro, arrimahaas waxaana kamid ah:

• Unugyad jirka oo aan si caadi aheyn u kora

• Isticmaalka dawooyinka shucaaca wata

• Hiddo qaldan oo laga dhaxlo waalidka

Yaa halis ugu jira?

          
• Dadka qaba qoys leh taariikh hore oo xanuunkaan ah
• Qof horay loogu daweeyay dawooyinka shuucaaca wata

• Qof qaba xanuunka paget’s oo ah xaalad sababto in lafaha ay si fudud u jabaan kedibna si aan caadi ahyn u kobsamaan
Qof qaba ama horay ugu dhacay burooyin badan oo ku dhaca carjaWaa maxay astaamaha?

Astaamaha kansarka lafaha waxaa kamid ah:

• Xanuun iyo barar saameeyo lafta
• Buro la taaban karo oo lagu arko lafaha lugaha iyo gamcaha.

• Daal badan.

• Qandho

• Dhidid habeenkii

• Qarqaryo

Astaamaha aaan caanka aheyn waxaa kamid ah:

• Lafaha oo si fudud ku jabo

• Misaanka oo lumoMarkaxadala kansarka lafaha

• Marxaladda kowaad: Waa inta uusan kasanrka uu weli ku egyahay booskiisa

• Marxaladda labaad: Kansarka weli ma faafin, laakin wuxuu gaaray meel uu ku faafi karo

• Marxaladda saddexaad: Kansarka wuxuu ku faafay meel ama laba kamid ah jirka ah, wuuna sii faafayaa

• Marxaladda afaraad: Kansarka wuxuu ku faafayaa hareerahiisa sidoo kale wuxuu ugudbay xubnaha qaar sida maskaxda iyo sambabada.

Daweynta

Dawada kansarkaan waxey ku xiran tahay:

• Marxaladda kansarka

• Xaalada bukaanka

• Guud ahaan caafimaadka bukaanka

• Cabirka iyo booska ay burada ku taalo

Waxaa lagu daweeyaa qaab dawo ah, qaab qalliin ah iyo qaaba shucaac ah.

Sidee looga hortegi karaa?

Waxaa jira habab dabiici ah oo lagu yareyn khatarta kansarkaan, waxaana ka mid ah:

Dacarta: Waxaa ku jira walxo liddi ku ah kansarka. Isticmaalka dacarta oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa kansarka lafaha. Sidoo kale dacartu waxay yareysaa lurka (infllamation) sidaas awgeed waxay uroon tahay xanuunnada lafaha ku dhaca sida riixa iyo roomatiisamka.

Shaaha cagaaran: Cabbista 2 koob oo shaaha cagaaran ah maalin kasta waxay hoos u dhigtaa khatarta kansarka lafaha.

Fitamiin A: fitamiinkani waxuu muhiim u yahay la dagalaanka kansarka lafaha. Ku dedaal cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin A sida bataati macaanka, kaarootada, bocorka, beerka, kalluunka iyo ukunta.

Fitamiin D: Daraasado caafimaad ayaa xaqiijiyey in Fitamiin D uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro xoojinta lafaha. Fitamiin D waxa uu lafaha ka caawiyaa in ay si fiican u nuugaan Kalshiyaamta kadibna ay kaydsadaan, taas oo kordhisa awooddooda. Waxaa la rumaysan yahay in fitamiin D uu si weyn ula dagaallamaa koritaanka unugyada Kansarka ah, iyo sid oo kale in kansarku uu xubnaha jirka u kala gudbo.

Comments